Guddiga Doorashada Puntland Oo Guddoomiye Ku Xigeen Doortay

0
570

Guddiga Doorashada Puntland Oo Guddoomiye Ku Xigeen Doortay.

Guddiga Maamulka  Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Puntland ayaa doortay Guddoomiye ku xigeen, maaddaama Guddoomiye ku xigeenkii Guddigaasi uu dhawaan is casilay.

Guddiga oo kulan yeeshay ayaaa waxaa ay Guddoomiye ku xigeen u doorteen Mohamoud Casayr Abdule Faarah, kaasi oo noqonaya Guddoomiye ku xigeenka Cusub ee Guddiga maamulaya Xubnaha  Baarlamaanka 11aad ee Puntland.

Aynaanshe Yusuf Hussein ayaa horay u isaga calisay Xilka maanta loo doortay Guddoomioye ku xigeenka, waxaana uu sheegay  xiligaasi in sababo u gaar ah uu isaga wareejiyay xilka uu u hayay Guddigaa doorashada heer Dowalad Goboleed ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here