Ruushka Oo Kaalmo Militari Ka Dalbaday Dalka Shiinaha Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Ukraine

0
457

Ruushka Oo Kaalmo Militari Ka Dalbaday Dalka Shiinaha Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Ukraine.

Ruushku waxa uu Shiinaha waydiisanayaa kaalmo milatari iyo mid dhaqaale labadaba, sida ay sheegayaan warbixinnada Financial Times iyo wargeyska New York Times.

Moscow waxay doonaysaa in Beijing ay siiso sahay militari si loogu isticmaalo Ukraine, sida uu qoray wargeyska Financial Times .

Isagoo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin, ayuu wargeysku sheegay in Ruushku uu codsanayay qalabka Shiinaha tan iyo markii uu billowday duullaanka Ukraine.

Saraakiisha ayaa ka gaabsaday inay qeexaan nooca qalabka uu Ruushku ka dalbanayo Shiinaha.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in ay jiraan calaamado muujinaya in Shiinaha laga yaabo in uu isu diyaarinayo in uu ka caawiyo Ruushka dagaalak dalka Ukraine.

Warbixin kale oo lagu daabacay wargeyska New York Times – oo mar kale soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah – ayaa sheegtay in Ruushka uu sidoo kale codsanayo kaalmo dhaqaale si loo yareeyo saameynta cunaqabateynta.

Shiinaha ayaa ilaa hadda isku dayaya in uu isu muujiyo in uu dhex dhexaad ka yahay dagaalka Ruushka iyo Ukraine, mana uusan cambaareyn duullaanka.

Maanta La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa la filayaa inuu wadahadal kula yeesho magaalada Rome mas’uul sare oo ka tirsan siyaasadda arrimaha dibadda Shiinaha, Yang Jiechi, .
Milateriga Ukraine ayaa sheegay in iyadoo ciidamada Ruushka ay sii wadaan duulaankooda ay ciidamada keydka dhigeen xudduudaha Ukraine.

Warbixintii ugu dambeysay ee uu soo saaray abaanduulaha ciidamada Ukraine ayaa lagu sheegay in Ruushka uu sidoo kale isku diyaarinayo inuu dib u abaabulo ciidamada iyo inuu dib u bilaabo howlgallada uu ku beegsanayo magaalooyinka Kharkiv, Sumy, iyo duleedka bari ee caasimadda Kyiv.

Dhanka kale wasaaradda gaashaandhiga ee Britain ayaa sheegtay in ciidamada badda ee Ruushka ay imika xireen waqooyiga xeebaha badda Madow, iyagoo ka gooyay Ukraine ganacsigii dhanka badda.

Waxa ay intaa ku dartay in ciidamada badda ee Ruushka ay sii wadaan duqeymaha ay ku beegsanayaan bartilmaameedyada ku yaalla gudaha Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa mar kale ugu baaqay NATO inay ku soo rogaan aag hawada Ukraine kuwa dulimaadyada ka caagan.
Waxa uu ka digay in haddii aysan Nato tallaabadaasi qaadin ay ugu dambeynta ay Ruushka beegsan doonaan dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga.

Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay kadib markii gantaalo Ruushka uu ku weeraray saldhig ay Ukraine ku leedahay meel u dhow xuduudka Poland, waxaana ku dhintay 35 qof.

Mr Zelensky waxa uu intaa ku daray in uu la hadlay Guddoomiyaha Golaha Yurub (Charles Michel) islamarkana rejada Ukraine ee ku biirista Midowga Yurub ay tahay imika “mid dhab ah”.

Hay’adda Laanqeyrta cas ee caalamiga ah ayaa sheegtay in waqtigu uu is gurayo ayna tahay in laga hortago xaaladii ugu xumayd ee ka dhacda magaalada dekadda leh ee Mariupol ee go’doonka ku jirta.

Waxa ay hay’adda ugu baaqday dhammaan dhinacyada –in– si deg deg ah — loo hubiyo sidii boqolaal kun oo qof ay u heli lahayeen gargaar bini’aadantinimo, iyo in la isku raaco qorshe dadka halkaasi lagu daadgureynayo.

Laanqeyrta cas ayaa sheegtay in dadka deegaanka ay soo wajahday gabaabsi dhanka cunnada, biyaha iyo dawooyiinka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here