Weerar Loo Adeegsaday Gantaalo Oo Saaka Lagu Qaaday Magaalada Irbil

0
336

Weerar Loo Adeegsaday Gantaalo Oo Saaka Lagu Qaaday Magaalada Irbil.

Dhowr iyo toban gantaal oo nooca ridda dheer ah, oo laga soo tuuray meel ka baxsan Ciraaq, ayaa ku dhacay magaalada Irbil ee caasimadda u ah gobolka Kurdish ee waqooyiga dalkaas.

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in uusan jirin wax khasare ah oo ka dhashay madaafiicdaas, hase yeeshee warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya halka laga soo tuuray iyo bartilmaameedkooda.

Irbil waxaa ku yaalla saldhig ay leeyihiin militeriga Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq.

Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in weerarkaas gantaallada ah uu ka yimid dhinaca waddanka Iiraan.

Mas’uulkan oo qariyay magaciisa ayaan bixinin wax faahfaahin ah oo intaas kasii badan. Ma jirto cid si deg deg ah u sheegatay mas’uuliyadda, mana jiraan warar rasmi ah oo xogta ku saabsan.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa dhacdadan ku tilmaamay “weerar cadho xooggan kiciyay” balse waxa uu sheegay in uusan wax khasaare ah gaadhin dadka Mareykanka ah, burburna aan loo geysanin xarumaha ay dowladda Mareykanka ku leedahay magaalada Irbil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here