Jimicsi Ha Samayn Marka Aad Xaaladahan Ku Jirto

0
541

Jimicsi Ha Samayn Marka Aad Xaaladahan Ku Jirto

Cidi iskuma khilaafsana muhiimadda weyn ee ay jimicsiga iyo xarakaadka jidhku u leeyihiin caafimadda, laakiin dhakhaatiirta ku xeeldheer caafimaadka guud waxa ay dhowaan xaqiijiyeen khatarta ay leedahay in qofku uu jimicsi sameeyo marka ay xummadi hayso. Xaaladdan oo uu qofku jimicsadaa waxa ay khatar u tahay in nabarow iyo caabuq ku keento muruqa Wadnaha.

Jimicsigu waxa uu si dabiici ah u xoojiyaa habdhiska difaaca jidhka, laakiin haddii uu qofku qabo hargab, nashana aanu samayn ama ugu yaraan aanu yaraynin xarakaadka jidhka, waxa uu halis u yahay in uu naftiisa u soo jiido khataro caafimaad darro oo waaweyn. Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in qofka jimicsi in uu sameeyo doonaya ama sameeyaaba uu si gaar ah ugu feejignaado xaaladdiisa caafimaad, gaar ahaan xilliga qaboobaha ee jiilaalka oo ay fayrasyadu aad u faafaan, qofkana marar badan ku keenaan xanuunno aanu mararka qaarkood hore u dareemin. Sida ay caddaysay iskaashatada dhakhaatiirta Wadnaha ee dalka Jarmalku, xaaladdaasi waxa ay keentaa muruqa wadnuhu uu boog yeesho. Taas oo ka mid ah shanta xaaladood ee inta badan keena in wadnuhu shaqadiisa ka gaabiyo, marar badanna ay xaaladdu gaadho dhimasho.

Dr. Bernd Wolfert oo ka tirsan qaybta caafimaadka Isboortiga ee cisbitaalka jaamacadda Charita oo ku yaalla Berlin, ayaa sheegay haddii qofku isaga oo xanunsanaya uu jimicsi sameeyo in uu khatar u yahay in caabuq gaadho habdhiska neefsiga ee sare. Xaaladaha kale ee iman karana ay ka mid yihiin xiiqda, muruqyada oo qofka xanuunka. Waxa kale oo iyaduna dhacda in dillaac uu ku yimaaddo muruqyada.

Waxaa aad u fiican in qofka jimicsiga culus bilaabayaa uu marka hore sameeyo Shaybaadh uu ku ogaanayo heerka caafimaadkiisa guud ahaan iyo gaar ahaan caabuqa sambabada, cabudhka sanka, madax xanuunka, raqabad xanuunka iyo qanjaha oo baraha. Xaaladahan ayaa ay dhakhaatiirtu ku tilmaameen kuwo aan ka maraamin in nafta la nasiyo, sidaas awgeed in la jimicsadaa ay khatar caafimaad keenayso. Sidaas awgeed ay muhiim tahay in ugu yaraan jimicsiga aad loo yareeyo.

Ugu dambayn dhakhaatiirtu waxa ay isku waafaqeen marka ay xummadi jirto in ay mamnuuc tahay in qofku uu jimicsi sameeyo. Waxa ay sheegeen in xumaddu ay tahay calaamad muujinaysai n jidhku uu dagaal kula jiro Fayras ama bakteeriya, in jimicsi loo diraana ay sii badinayso culayska saaran habdhiska difaaca ee qofka, isla markaana uu yaraynayo awooddii uu jidhku iskaga caabbin lahaa xanuunkaas.

 

geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here