Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Oo Soo Dhaweeyay Go,aankii Golaha Wasiirada Somaliya

0
282

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Oo Soo Dhaweeyay Go,aankii Golaha Wasiirada Somaliya

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustaf Maxamed Cagjar ayaa soo dhoweeyay go’aankii looga noqday ee ONLF looga dhigay argagixisada iyo raali gelinta laga bixiyay falkii Qalbi Dhagax lagu dhiibay ee baal marsanaa Soomaalinimada.

War uu soo saaray ayuu ku sheegay in go,aanka golaha Wasiirada uu yahay mid weyn oo dhaxal gal ah.

Warka Madaxweynaha ayaa Siddaan u qornaa:

Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aanka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan cadawna lagu galiyay halgamaa Abdikarim Sheikh Muuse (Qalbidhagax).

Go’aankaas hore wuxuu ahaa ficil argagax galiyay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soomaalida, xad-gudubna ku ahaa dhaqanka dawladnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba.

Waxaa kale oo aan dhaleeceeynaynaa ficiladii lamidka ahaa ee Deegaano kale oo Soomaaliyeed cadaw ugu soo gacan-geliyeen halgamayaal Soomaaliyeed oo diidaanaa tacadigii lagu hayay dadkooda.

Waxaan rajaynayaa in taariikhdaas madow ee uur-ku-taaladda leh, xiligii ay dhacaysayna aan dhaleeceeynay, cashir iyo cibro-qaadasho u noqoto cid walba oo xadgudbkaas samaysay. Waxaan ugu baaqayaa inay ka bixiyaan raali-galin buuxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here