Dowlada Itoobiya Oo War Cusub Kasoo Saartay Dhaqangalka Xaaladda Deg Degga Ah

0
554

Dowlada Itoobiya Oo War Cusub Kasoo Saartay Dhaqangalka Xaaladda Deg Degga Ah
Guddiga xaaladda deg-degga ah ayaa kulan ay yeesheen ku qiimeeyay xaaladda guud ee wakhti xaadirkan ka jirta Itoobiya iyo tallaabooyinkii guddigu qaaday, waxaana ay caddeeyeen in xaaladda deg-degga ah loo fulinayo ujeeddadii laga lahaa.

Bayaanno cusub ayaa laga soo saaray oo ka kooban afar qodob oo lagu xoojinayo hawlgallada socda ee xaaladda deg-degga ah, si meesha looga saaro caqabadaha jira.

Qodobada laga soo saaray Shirka ayaa waxaa ay kala yihiin:

1. Dareeska gaarka ah waxa ay leeyihiin xeer lagu labbisto oo iyaga u gaar ah.

Xirashada ama ku-labbisashada direeska sida ka baxsan sharciga iyo nidaamkan cid kasta oo ugu labbista ayaa carqalad ku ah hawlgalka.

Haddaba, xaalad kasta, goob iyo waqti kasta ciidamada difaaca, booliska Federaalka; Waxaa mamnuuc ah in la xirto direeska ciidammada gaarka ah ee dowladda iyo kuwa booliska caadiga ah iyo sida oo kale ciidammada gaarka ah.

Ciidammada ammaanka ayaa lagu amray in ay tallaabo ka qaadaan ciddii lagu arko iyaga oo xiran direeska, kaas oo aan wadan aqoonsi aan la cusboonayay.

2. Ol’olaha badbaadada maanta waa in si adag loogu dhaqmaa si taxadar lehna loogu hoggaansamaa. Sidaa darteed waa mamnuuc in la qeybiyo ama lagu faafiyo dhaq-dhaqaaqa kasta oo ciidan, hawlgallada dagaalka iyo natiijada ka soo baxda war-baahin kasta, marka laga reebo kuwa uu oggol yahay bayaanka xaaladda deg-degga ah.

Hoggaamiyayaasha rayidka iyo kuwa militariga ee labada dhinacba waxaa ka mamnuuc ah in ay sheegaan wax hadal ah oo ku saabsan howlgallada militari, howlgallada dagaalka iyo natiijooyinka aan ka ahayn cidda howlgallada loo xil-saaray.

Ciidammada ammaanka ayaa lagu amray in ay tallaabo ka qaadaan dadkii falkaasi iyaga oo ku kacaya lagu arko.

3. Dowladda iyo shacabka oo iskaashanaya ayaa iska kaashanaya sidii loo soo celin lahaa jiritaanka dalkeenna, weerarka lagu soo qaadayna lagaga qaado tillaabo waqtigeeda ku habboon.

Iyada oo laga faa’ideysanayo xaaladda, ayaa waxaa lagu amray ciidammada ammaanka in ay tallaabo ka qaadaan dadka doonaya in ay dhistaan ​​dowlad KMG ah ama dowlad kale oo sharci-darro ah, taasi oo ka hor imaanaysa nidaamka dastuuriga ah.

4. Sida la wada ogsoon yahay ajandaha ugu weyn ee dalkeena Itoobiya maanta waa badbaadinta dalka. Fikir kasta iyo ficil kastaa waa in aanu fashilin hadafkan Itoobiya.

Haddaba, iyada oo la adeegsanayo war-baahinta kala duwan laguna marmarsiiyoonayo xorriyada haddalka guddiga xaaladda deg-degga ah wuxuu uga digayaa cid kasta oo si toos ah ama si dadban u taageerta kooxda argagixisada kuwaas oo raba in ay carqaladeeyaan hawlgallada badbaadada dalka.

Laamaha ammaanka ayaa la faray in ay tallaabo ku habboon ka qaadaan ciddii jabisa digniintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here