Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Ka Tirsanaa Daacish Oo Dalka Lagu Soo Celinayo

0
267

Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Ka Tirsanaa Daacish Oo Dalka Lagu Soo Celinayo

Safaaradda Soomaaliya ee Suuriya ayaa wada dadaal ay ku doonayso in la sii daayo Soomaali ku Xiray xabsiyo ay gacanta ku hayaan mucaaradka Suuriya, waxaanay dadkaasi ka tirsanaayeen ururka la magac baxay dowladda Islaamka ee IS.

Sii hayaha safaaradda, Farxaan Gurxan, ayaa BBC u sheegay in dadkaa xir-xiran ay ka mid yihiin haween iyo caruur.

Wuxuu u sheegay inay ka shaqeynayaan sidii loo soo deyn lahaa Soomaalidii Daacish ka tirsaneyd ee ku xiran dalkaas.

“Waxaan qaabilay sarkaal sare oo kamid ah maamulka jabhadda gobolkan maamusha ee Kurdida waxaan ka wadahadalnay moowduuca aan u socday aad buu usoo dhaweeyay wuxuu ii ballan qaaday in berri la ii geyn doono xerada la yiraahdo Al Roch oo ay ku jiraan 8 gabdhood oo Soomaali ah iyo 11 canug ay iyagu dhaleen” Sii hayaha safaaradda, Farxaan Gurxan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here