Itoobiya oo Sheegtay in Ay Gacanta Ku Dhigtay Soomali La Shaqaynaysay TPLF

0
419

Itoobiya oo Sheegtay in Ay Gacanta Ku Dhigtay Soomali La Shaqaynaysay TPLF

Ciidamada Booliska Federaalka Itoobiya ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen dad Soomaali ah oo la Shaqeeynayay Kooxda TPLF ee ka dagaalameysa Waqooyiga Itoobiya, intii uu socday dhaqan-gelinta xaaladda deg-degga ah.

Ku-xigeenka taliyaha guud ee ciidanka booliska federaalka ee qeybta ka-hortagga dambiyada, Melaku Fenta iyo taliyaha booliska Addis Ababa, Getu Argaw ayaa shir-jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in dadkan gacanta lagu dhigay kaddib hawl-gallada ka-hortagga dembiyada iyo baarista, iyada oo hawl-galkaas loo fuliyay si waafaqsan xeerka deg-degga ah.

Warkaan ay boolisku soo saareen ayaa lagu sheegay in ciidamada booliska ay kala shaqeynayaan shacabku si loo sameeyo wacyi-gelin.

Waxaa kale oo ugu dambayntii war-bixinta Booliska lagu sheegay in kooxda TPLF oo tan iyo markii la Aas’aasay ay dadka shacabka ah xasuuq iyo jir-dil u gaysato ay ku hawllan tahay sidii ay u abaabuli lahayd argagixiso si ay dalka ugu soo dhuuntaan falal argagixisana ka gaystaan Addis Ababa.

Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa ay dagaal adag kula jiraan Ciidamada Kooxda TPLF iyo xulafadooda, hayeeshee Kooxda TPLF ay gacanta ku dhigtay Magaalooyin ay ku sugnaayeen Ciidamada Federaalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here