TOOS:-Doorashada Kuraas Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Ka Socota Magaalada Muqdisho

0
422

TOOS:-Doorashada Kuraas Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Ka Socota Magaalada Muqdisho

Waxaa Goordhow Xarunta Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye ka bilaabatay Doorashada kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Kursiga ugu horreeya ee tirsigiisu yahay HOP239 ayaa waxaa ku tartamaya laba Musharax oo kala ah Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Marwo Mushtaaq Ibraahim Yusuf.

Sidoo kale xubnaha ku tartamaya doorashada labada kursi ee Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah Biixi Iiman Cige oo kamid Afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kursiga tirsigiisu yahay HOP237.

101 Ergo ayaa dooraneysa Musharaxiintan, waxaana soo dhammaatay codeynta ergooyinka, isla markaana waxaa bilaabatay tirinta Codadka doorashada oo uu ku horreeyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Doorashada Maanta ka dhaceysa Xarunta Dugsiga Tababarka ee Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ka ah xubno ka socda Guddiyada doorashooyinka Federaalka, xalinta khilaafaadka iyo kuwa Somaliland iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here