Shirkadd Diyaaradeed oo Hawada ka baxday & sababta keentay

0
571

Shirkadd Diyaaradeed oo Hawada ka baxday & sababta keentay

Shirkadda Diyaaradaha Talyaaaniga ee Alitalia ayaa waxaa ay xalay soo gebagebeysay Duullimaadyadii, iyadoo Socdaalkii ugu dambeeyey ku sii khatintay Duullimaad ay isaga kala gooshtay magaallooyinka Cagliari iyo Rome.

Shirkadda oo ku-dhawaad 75 sano shaqaynaysay waxaa tan iyo sanadkii 2008-dii ku soo jirtay Xaallad Khasaaro leh, waxaana la soo gudboonaatay Musuq, Dhaqaale-Xumo iyo Miisaaniyad La’aan ay ugu dambeyntii la turunturootay, oo ay Hawada kaga baxday.

Shirkadda Alitalian ayaa waxaa ay si rasmi ah Maanta ula wareegtay Shirkadda Cusub ee ITA oo u taagan Italia Transporto Aereo.

Magaca Astaanta Xuquuqda ee Alitalia waxaa la sheegay inuusan weli dhiman, inkastoo Shirkadda cusub ee ITA iibsatay saamigii Shirkadda Alitalia iyo dhamaan Diyaaradihii Shirkadda Alitalia oo ay Dowladda Talyaaniga lahayd.

Shirkadda cusub ee ITA ayaa sheegtay inay la wareegtay 2,800 oo Shaqaale oo ka mid ahaa 10,000 oo Shaqaale u diiwaan gashanaa shirkaddii Alitalia.

Bishan October 1-dii, Shaqaalaha Shirkadooda Diyaaradaha ee Alitalia waxay dhigeen Dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan Iibinta Shirkadda Alitalia iyo shaqo la’aanta soo wajahday inta badan Shaqaalaha Shirkadaasi.

W/Q: Ustaad Nuuradiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here