Duqeyn diyaaradeed oo Maanta ka dhacday degaan ka tirsan Gobolka Gedo

0
247

Duqeyn diyaaradeed oo Maanta ka dhacday degaan ka tirsan Gobolka Gedo

Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saaka ay duqeyn ka geysteen diyaarado loo maleynayo inay leeyihiin Mareykanka.

Duqeynta diyaaradeed ayaa ka dhacday degaan lagu magacaabo Mekaarebay oo duleedka ah Magaalada Garbahaarey, halkaas oo la sheegay inay Saldhigyo ku leeyihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dadka ayaa waxaa ay ku warrameen in la maqlayay jugta Gantaalo culus oo ku dhacayay goobo ku yaalla deegaanka Mekaarebay, lana arkayey diyaarado joog hoose ku socday,  isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay duqeynta, in kastoo aan la xaqiijin inta uu la egyahay khasaaraha.

Duqeynta oo ay fuliyeen diyaarado Drone ah ayaa la sheegay inay ku dhaceen Saldhigyo ay lahaayeen Al-shabaab, welina jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda ee ku sugan Gedo gaar ahaan Garbahaarey oo ku aadan duqeynta dhacday.

Dhowr jeer oo horey ayey sidaan oo kale diyaarado ay leeyihiin Taliska Mareykanka ee qaaradda ee AFRICOM duqeymo uga fuliyeen degaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya, waxaana duqeymaha qaarkood lagu dilay Saraakiil iyo xubno ka tirsanaa Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here