Ciidamada Ilaalada Madaxwayne Deni Oo Haweenay Toogtay

0
301

Ciidamada Ilaalada Madaxwayne Deni Oo Haweenay Toogtay

Ciidamada  Madaxtooyada Maamul Goboleedka Puntland ayaa lagu soo warramayaa in ay xalay dileen qof shacab ah oo dumar ah kadib markii ay rasaas ku fureen gaari ay la socotay oo Rakaab ah.

Ciidanka dilka gaystay ayaa ah kuwa gaarka ah ee Madaxweynaha Maamulkaasi Siciid Cabdulalahi Deni, waxaana goorta uu dilku dhacayay ay galbinayeen sida la sheegay madaxweynaha, oo dib ugu soo laabtay Magaalada Caasimadda ah ee maamulkaasi.

Dilka ayaa ka dambeeyay kadib markii Gaariga ay sarnayd Gabdha la dilay uu dhexgalay Kolonyo gaadiid ah oo la socday Siciid Deni, waxaana ay rasaas ku fureen gaariga ay la socotay Marxuumad Maryan Axmed Caato oo ah Gabadha ay dileen Ciidanka Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Mamaulkaasi Siciid Cabdulaahi Deni ayaa shalay socdaal ku maray degaanno ka tirsan Puntland, waxaana ugu dambeyntii uu dib ugu soo laabtay Caasimadda Maamulkaasi ee Garowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here