Dacwad Ka Dhan Ah Dowlada Somaliya Oo Loo Gudbiyay Maxkamada ICJ Iyo Cida Gudbisay Dacwadaasi

0
534

Dacwad Ka Dhan Ah Dowlada Somaliya Oo Loo Gudbiyay Maxkamada ICJ Iyo Cida Gudbisay Dacwadaasi

Urur ay ku mideysaniyiin qareennada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah oo fadhigiisu yahay Magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbiyay Maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC.

Guddoomiyaha Ururkaasi Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in Dacwadda ay ka gudbiyeen dowladda Federaalka ay tahay mid ka kooban Afar kiis oo waaweyn oo ay u heystaan dowladda Soomaaliya.

Garyaqaan Yuusuf Cabdi ayaa kiisaska Dacwada ay u gudbiyeen Maxkamadda ICC ee Magaalada Hague ku kala sheegay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd Sarkaalad ka tirsan NISA, dadkii lagu xasuuqay Magaalada Baydhabo, Cunaqabateyntii dowladda ku rogtay Kismaayo xiligii doorashada iyo dhalinyaradii loo qaaday dalka Erateriya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Garyaqaan Yuusuf ayaa Carabka ku dhuftay in Maxkamadda dembiyada ICC ay ka gudoontay kiisaska ay u gudbiyeen, isla markaana ay ka war sugayaan baaritaanka kiisaska, maadaama uu sheegay inay Maxkamadda u yaallan kiisas kale.

Isaga oo sii hadlaayay Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax ayuu tilmaamay inay haatan gacanta ku hayaan kiisas kale oo kamid yihiin xasuuq uu sheegay inuu ka dhacay Magaalada Dhuusamreeb, xasuuq ka dhacay deegaanka Bariire iyo dhibaatooyin kale oo ay ku jiraan kufsi la geystay.

Sababta keentay inay xiligaan Dacwad ka dhan gudbiyaan dowladda Federaalka ayuu Guddoomiye Garyaqaan Yuusuf ku sheegay inay tahay in ay bateen dhibaatooyinka loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay Digniin uga dhigayaan arrintaan Xukuumadda kale talada qaban doonta, si loo ilaaliyo xuquuqda shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here