Maxaa Ka Soo Kordhay Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Madaxda Afghanistan

0
325

Maxaa Ka Soo Kordhay Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Madaxda Afghanistan

Ku-simaha ra’iisul wasaare ku-xigeenka Afghanistan, Mullah Abdul Ghani Baradar, ayaa ka soo muuqday cajalad fiidiyoow ah si uu u beeniyo wararka sheegaya inuu ku dhaawacmay isku dhac dhex maray isaga iyo koox ka soo horjeeda ee Taliban.

Aasaasaha Taalibaan ayaan muddo dhowr maalmood ah la arag. Waxaana jiray warar sheegaya inuu khilaaf soo kala dhex galay hoggaamiyeyaasha Taliban, oo uu ku lug lahaa Baradar iyo koox iska soo horjeedda oo daacad u ah shabakadda awoodda badan ee Haqqani.

Laakiin wareysiga cusub ayuu Baradar ku beeniyay wararka ku saabsan isku dhaca gudaha ee la sheegay.

“Maya, tani run ma aha; waan fiicanahay waana caafimaad qabaa,” ayuu yiri Baradar markii la weydiiyay bal in la dhaawacay iyo in kale.

Waxaa jiray warar aan la xaqiijin oo sheegaya in is maandhaafka hoggaanka Taalibaan uu soo taagnaa tan iyo markii Baradar laga waayay fagaareyaasha maalmihii la soo dhaafay.

“Waxaan ka maqnaa Kabul, mana aanan helin internet ii fududeyn lahaa in aan ganafka ku dhufto wararka been abuurka ah,” ayuu raaciyay.

Muuqaalka gaaban – oo lagu baahiyay Twitter-ka xafiiska siyaasadda Taliban ee Doxa – ayaa muujinayay isaga oo fadhiya kursi u dhow wareyaha telefishinka dowladda, oo sida muuqata ka akhrinaya warqad.

“Waa Alle mahadiis ah in aan leenahay xiriir wanaagsan oo ah is xushmeyn. Xiriirkeena xitaa waa ka wanaagsan yahay midka ka dhexeeya qoysaska,” ayuu yiri.
Baradar ayaa ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Taalibaan oo si toos ah ula xiriiray madaxweyne Mareykan ah, ka dib markii uu wadahadal dhanka taleefanka ah la yeeshay Donald Trump, sannadkii 2020-kii.

Intaas ka hor, wuxuu saxiixay heshiiskii Doxa ee ku saabsanaa ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, isagoo wakiil ka ah Taalibaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here