Daaliban Oo La Wareegtay Jalalabaad, Xilli Ay Caasimadda Go’doon Ku Jirto

0
286

Daaliban Oo La Wareegtay Jalalabaad, Xilli Ay Caasimadda Go’doon Ku Jirto

Maleeshiyadda Daalibaan waxay Waaberigii hore ee saakayto oo Axad ah dagaal la’aan kula wareegeen magaalladda Jalalabaad ee Caasimadda Gobalka Nangarhar ee Bariga dalka Afganistan.

Abraarullaahi Muraad oo ah Xildhibaan Gobalka Nangarhar ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka AP inay Daalibaan qabsadeen Jalalabaad, kadib, markii ay wada-xaajood la galeen Odayaasha ku nool magaalladaasi.

Daalibaan waxay si Online ah Sawiro u soo dhigayeen Baraha Bulshada, iyagoo ku sugan Xafiiska Guddoomiyaha Gobalka Nangarhar.

Saraakiisha ayaa sheegay inay Kooxda Daalibaan, iyagoo sugaya Amaanka Wadada isku xirta Afganistan iyo Pakistan.

Shalay waxay Kooxda Daalibaan qabsadeen magaalladda Masaara Shariif oo ah magaalladda ugu weyn ee Waqooyiga dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here