Maraykanka Oo Shaaciyay Sobobta Uu Dib Usoo Celiyay Duqaymaha Uu Somaliya Ka Fulinayo

0
263

Maraykanka Oo Shaaciyay Sobobta Uu Dib Usoo Celiyay Duqaymaha Uu Somaliya Ka Fulinayo

Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Lloyd Austin ayaa ka hadlay sababta Mareykanka uu dib ugu billaabay duqeymihii Soomaaliya ee lala beegsanayey Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa duqeyntii ugu horreysay Soomaaliya ka fuliyey toddobaadkii tegay kadib in ka badan lix bil oo aysan duqeymo ka gaysan dalka.
Xoghaye Austin ayaa u sheegay Warbaahinta in sababta ay ay Maryakanka u qaadeen duqaymihii tododbaadkii hore lala beegsaday dagaalamayaasha Al-Shabaab ay tahay in ciidamada Soomaaliya ay xoojiyene weerarrada ka dhanka ah dagaalamaayaasha Al-Shabaab.

Xoghayaha Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa ku tilmaamay sababta ay howgalladooda u kordhiyeen in ay tahay dagaaladii ugu dambeeyay ee ay Qaadeen Ciidanka Huwanta ah ee dhawaanahaan howlgalada waday.
Waxaa uu intaa ku daray in Mareykanku ay sii kordhin doonaan howgaladooda, ay la garab taagan yiohiin Ciidanka Dowladda Soomaaliya, waxaana uu carrabka ku adkeyay in Howgallada duqeymaha ah ee ay kala soo horjeedaan Al-shabaab ay sii kordhin doonaan.

Hadalka kasoo baxay Xoghayaha Gaashaandhigga ee Mareykanka Lloyd Austin ayaa kusoo aadaya iyadoo maal mihii aynu soo dhaafnay ay dagaallo qaraar ka dhaceen Gobolka Mudug, kuwaasi oo u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo kuwa Mudug oo dhinac ah iyo Dagaalamayaasha Al-shbaaab, waxaana dagaaladasi ka dhashay khasaaro xooggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here