Madaxwayne Erdogan Oo Jeediyay Hadal Dad Badan Wadnaha Jaray Muuse Yahay Hadalkaasi?

0
313

Madaxwayne Erdogan Oo Jeediyay Hadal Dad Badan Wadnaha Jaray Muuse Yahay Hadalkaasi?
Sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay markii dib loo furay masaajidka Hagia Sophia, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa yiri “Masaajidku wuxuu astaan ​​u yahay soo noolaynta ilbaxnimadeenna”.

Wuxuu yiri, “Alle ayaa mahad leh oo isoo gaarssiyaymaalintan qiimaha badan … Waxaan rajaynayaa in Aadaanka, Cibaadada, iyo Qur’aanka aanan laga gooyin misaajidkaan ilaa laga gaaro Qiyaamaha.

Erdogan ayaa sidoo kale soo dhigay bartiisa Twitter-ka muuqaal salaadii jimcaha lagu dukanayay masaajidka Hagia Sophia markii ugu horaysay kadib 86 sannadood
Madxafka caanka ah ee Hagia Sophia ayaa 24-kii bishii July ee sannadkii hore markale loo bedalay masjid, kadib go’aan uu gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Go’aanka Erdogan ayaa daba socday xukun ay maxkamad riday oo ahaa in si sharciga baalmarsan markii hore goobtaasi looga dhigay madxafka.

Hagia Sophia oo la dhisay muddo 1,500 oo sano laga joogo ayaa waxaa markii koobaad loo asteeyay kaniisad, balse boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa sanadkii 1453 u bedashay masjid.

Goobtan oo kamid ah kuwa caalamiga ah ee u diiwaangashan hay’adda UNESCO ayaa dowladii Turkiga ee 1934 waxa ay ka dhigtay madxaf.
Islaamiyiinta Turkiga ayaa intii muddo ahba ku baaqayay in Hagia Sophia markale laga dhigo masjid, balse waxaa arinkaasi diiddanaa xisbiyada mucaaradka ee aan diinta aaminsaneyn. Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo madaxda diimaha ee caalamka ayaa dhaliilay go’aankaasi.

Hagia Sophia ayaa waxaa markii ugu horreysay dhisay Boqortooyadii Byzantine qarnigii 6-aad ee milaadiga, balse waxaa markii dambe masjid ka dhigay Cusmaaniyiinta oo sanadkii 1453 qabsaday Qisdhandhiiniyah (Constantinople) maantana ah Istanbul.

Waxaa markii dambe madxaf ka dhigay hogaamiyihii asaasay Turkiga casriga ah, Mustafa Kemal Ataturk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here