Dab Khasaaro Geystay Oo Ka Kacay Suuqa Weyn Ee Magaalada Boosaaso

0
288

Dab Khasaaro Geystay Oo Ka Kacay Suuqa Weyn Ee Magaalada Boosaaso

Waxaa habeenkii xalay aheyd dab xoogan uu ka kacay Suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah dabkaas oo muddo kooban socday.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dabka markii hore uu ka kacay goob Ganacsi oo ku taalla Suuqa Boosaaso, uuna markii dambe kusii faafay goobo kale oo ka tirsan Suuqa, isla markaana uu socday muddo ku dhow saacad.

Gurmad kala duwan oo ay sameeyeen Waaxda dab demiska Maamulka Boosaaso iyo dadweyne farabadan oo ay kamid ahaayeen Ganacsato ayaa lagu guuleystay in la demiyo dabkii ka kacay Suuqa oo geystay khasaaro hantiyadeed.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka dowladdaha Hoose oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dabkaas ay ku gubteen Carwooyin iyo xarumo Ganacsi, ma jiro khasaaro nafeed oo ka dhashay inta uu socday dabkaas kacay.

Maamulka ayaa sidoo tilmaamay inay wadaan baritaano kala duwan oo ay ku ogaanayaan sababta keentay inuu dabkaas ka kaco Suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu ka dhashay koronto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here