Somaliland Oo Loogu Deeqay Qalab Loo Adeegsado Hubinta Codbixiyaha

0
395

Somaliland Oo Loogu Deeqay Qalab Loo Adeegsado Hubinta Codbixiyaha

Qalab farabadan oo loo adeegsado hubinta Cod bixiyaha ee loo yaqaano Biometrics Voter Verification System ayaa waxaa Taiwan ay maalintii shalay oo sabti ah aheyd ku wareejisay Somaliland.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Taiwan ay ku leedahay Hargeysa ayaa waxaa lagu sheegay in qalabkaan oo ah 2500 xabo oo loo adeegsado hubinta Cod bixiyaha loo isticmaalayo hubinta iyo xaqiijinta astaamaha jidheed ee Codbixiyayaasha doorashooyinka ka dhacaya Somaliland.

Taiwan ayaa sheegtay inay taageersan tahay doorashada Somaliland, isla markaana waxaa ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay kala shaqeeyaan Arrimaha doorashada, waxaana Somaliland ka mahadcelisay qalabkaan casriga ee lagu wareejiyay.

“Somaliland waa waddankii ugu horeeyay ee is ticmalay tiknoolajiyada aqoonsiga indhaha doorashadii 2017, maantana qalabkan IBVVS oo la jaanqaadaya, qalabka aqoonsiga indhaha waa guul la gaaray taariikhda doorashada adduunka” ayaa lagu yiri Qoraalka Taiwan.

Sidoo kale ayaa waxaa intaas lagu sii daray ” Taageerada Taiwan ee doorashooyinka Somaliland waa in la muujiyo in dimuquradiyadu tahay luuqadeena, xiriyaduna tahay u jeedkeena guuud”.

Qalabkaan ay Taiwan ugu deeqday Somaliland oo loo isticmaalo diiwaan-galinta iyo xaqiijinta codbixiyaha ayaa ah qalab sahlaya in uu aqoonsado astaamaha jidheed ee codbixiyaha sida indhaha qofka, waxaana la xusay in qiimahiisu yahay 2 milyan oo dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here