Madaxweynaha Jubbaland Oo Magacaabay Golihiisa Wasiirada

0
258

Madaxweynaha Jubbaland Oo Magacaabay Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Magaacabay xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirada maamulkaasi.

Sida ku cad liiska golaha wasiirada ee cusub waxaa inta badan xilalkooda waayay wasiiradii horey xilalka u hayay,halka wasiirada qaarkood wasaaradaha loo kala wareejiyay.

Magacaabidda golaha wasiirada maamulka jubaland ayaa qaadatay muddo ku dhaw 2 sano islamarkana waxay ahayd mid si wayn loo wada sugayay.

Magacaabidda ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo uu wali muran ka taagan yahay doorashada, islamarkana maanta lagu wado in shir looga arrinsano doorashooyiinka uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Halkan ka akhriso liiska golaha cusub ee wasiirada Jubbaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here