Rooble Oo Diiday In La-Taliyaha Farmaajo Ee Doorashada Kala Shaqeeyo Shirka 20-Ka May

0
375

Rooble Oo Diiday In La-Taliyaha Farmaajo Ee Doorashada Kala Shaqeeyo Shirka 20-Ka May

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu diiday isku day la doonayay in La-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka loo soo wareejiyo Xafiiskiisa.

Cabdi Cali Raage oo ah La-taliyaha Farmaajo ee doorashooyinka ayaa la sheegay inuu doonayay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu kala shaqeeyo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ee 20-ka May ka furmaya Muqdisho.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu diiday qorshaha xafiiskiisa loogu soo wareejinayo Cabdi Cali, si uu ugala shaqeeyo shirka.

Rooble ayaa hoggaamin doona shirka ka furmi doona Teendhada Afisyooni ee looga hadlayo hirgelinta doorashooyinka, waxaana la filayaa in Madaxda dowlad Goboleedyada ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Shirka.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maamulka Doorashada iyo amniga ku wareejiyay Rooble, kadib markii Golaha Shacabka ay dib uga laabteen muddo kordhintii ay u sameeyeen Farmaajo oo siweyn looga soo horjeeystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here