Madaxwayne Erdogan oo Isaga oo cadhaysan Madaxwayne Maraykanka ku Sheegay in uu Dhiig Faraha Kula Jiro Iyo Argagixiso uu Ku Tilmaamay Yuhuuda

0
257

Madaxwayne Erdogan oo Isaga oo cadhaysan Madaxwayne Maraykanka ku Sheegay in uu Dhiig Faraha Kula Jiro Iyo Argagixiso uu Ku Tilmaamay Yuhuuda

Recep Tayyip Erdogan madaxwaynaha dawladda Turki ayaa  sheegay in madaxweyne Joe Biden uu “gacmaha dhiig ku sito”taasi oo uu u  sababeeyey taageeradiisa weerarada Yuhuudu ku hayso Marinka Gaza.

Hadalka madaxwayne Erdogan oo ku jiray khudbad uu taleefishinka ka jeediyey oo dalka oo dhan laga fiirsaday ayaa ah weerarkii ugu adkaa ee uu ku qaado Biden, tan iyo markii uu yimid Aqalka Cad.

“Waxaad gacmahaaga dhiigga leh ku qoreysa taariikh. Waad nagu qasabtay inaan sidan dhahno, sababtoo ah intan ka badan kama aamusi karno arrintan,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Erdogan ayaa taageero xooggan kaga kasbaday Bariga Dhexe u ololeyntiisa qadiyadda Falastiin.

Waxa uu toddobaadkii tegay ku eedeeyey Israel Inay qaadeyso weerar“argagixasanimo”, wuxuuna wacad ku maray inuu dunida isugu keeni dooni difaaca Gaza.

“Maanta waxaan aragnay saxiixa Biden ee hubka laga iibinayo Israel,” ayuu yiri Erdogan isaga oo tixraacaya warbixino ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka oo ku saabsan in Maamulka Biden uu ansixiyey hub loo daadgureeyo Israel.

“Dhulka Falastiin wuxuu la ciir-ciirayaa cadaadis, rafaad iyo dhiig, si la mid ah dhul badan oo ku nabad-waayey burburkii Cusmaaniyiinta, adigana middaas ayaa taageereysaa,” ayuu Erdogan ku yiri Biden.

Waxa uu sidoo kale ku dhalleeceeyey Austria inay sare u qaaday calanka Israel toddobaadkii tegay ayada oo u muujineysa “is-garab tag.”

“Waxaan ku cambaareynayaa Austria inay sare u qaadeen Calanka dowladda argagixisada ah,” ayuu yidhi Erdogan.
Erdogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here