Dowlad Bilowday In Ciidanka Ka Jooga Somalia Ka Tallaasho COVID-19

0
284

Dowlad Bilowday In Ciidanka Ka Jooga Somalia Ka Tallaasho COVID-19

Ciidamada Dowladda Uganda ee ku sugan Soomaaliya qeybna ka ah Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu bilaabay tallaalka Cudurka halista ah ee COVID-19 ee loogu talagalay askartooda inay qaatan.

Uganda ayaa soo gaarsiisay dalka 6,500 oo Shixnad tallaalka Oxford-AstraZeneca oo ay qaadanayaan Ciidamada Millatariga iyo kuwa Booliska Uganda ee howlgalka ku jira, iyadoo loo marayo barnaamijka COVAX kaas oo lagu siiyay shaqaalahooda Daryeelka Caafimaadka.

Taliyaha guud ee AMISOM ee Ugandha, Brig. Jeneraal Don Nabasa ayaa wuxuu ku booriyay askarta Ciidamada inay hore u socdaan oo ay hubiyaan inay dhammaantood is tallaalaan, kadib markii uu ka qeyb galay Munaasabad kooban oo ka dhacday Muqdisho, laguna daah-furayay tallaalka Ciidamada.

“Tallaabadu waxay badbaadin doontaa naftaada waxayna kaa horjoogsan doontaa inaad si daran u xanuunsato haddii aad qaado ama kugu dhaco cudurka halista ah ee COVID-19. Waxay sidoo kale si weyn hoos ugu dhigeysaa halista aad ku qaadi karto iyo in aad qaadsiiso dadka kale, ”ayuu yiri Taliyaha.

Madaxa howlgalada Militariga ee AMISOM, Col. Allan Kalanzi, ayaa soo dhoweeyay talaabooyinka ay qaaday dowladda Uganda oo dhameystiraya dadaalada ay wado AMISOM ee lagu xakameynayo faafida cudurka halista ah ee COVID-19.

Taliye kuxigeenka ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, Col. John Winston Mugarura, ayaa qirtay in cudurka Coronavirus’ uu saameyn ku yeeshay howlgalada Milateri, faragalinta deg deg ahna ay aheyd mid loo baahnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here