Tuuloyin Ku Yaalla Waqooyiga Magaaladda Baledwayne oo La Gubay

0
390

Tuuloyin Ku Yaalla Waqooyiga Magaaladda Baledwayne oo La Gubay

Tuuloyin Ku yaalla Waqooyiga Magaaladda Baledwayne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xalay la gubay.

Waxaa Muddooyinkii udambeeyey deeganadasi ka socday dagaal Beeledyo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in tuulooyinka la gubay ay ka mid yihiin tuulada Bacaad Buuko, halkaas oo meel u dhow ay isku hor-fadhiyaan laba maleeshiyo beeleed oo dhawaan ku dagaalamay, kuwaas oo kulamo lagu xalinayo ay ka socdeen Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Weriyaha KNN ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu sheegay in uu jiro khasaaro burbur hantiyadeed, iyada dadka tuulada la gubay ku nool ay bilaabeen inay isaga barakacaan sababo la xiriira in anooyin qabiil loo dilo.

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku baxay xiisada ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Ma jirto fah faahin iyo wax war ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle iyo dawladda Soomaliya oo looga hadlayo Arrintasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here