Kala Shaki Soo Kala Dhex galay Midowga Musharaxiinta iyo Raisal Wasaare rooble

0
384

Kala Shaki Soo Kala Dhex galay Midowga Musharaxiinta iyo Raisal Wasaare rooble

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ah ee Somaaliya ayaa walaac ka muujinaya hannaanka ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu wado howlaha doorashada iyo shirka loo balansanyahay ee looga hadlayo arrimaha dooorashooyinka.

Waxyaabaha ay walaaca ka muujinayaan waxaa ka mid ah in dowladda Soomaaliya ay diiday ergaygii Midowga Afrika u soo magacaabay Soomaaliya madama markii hore dowladdu dalbatay sida ay mucaaradku ku doodayaan iyo in diyaar garowga shirka loo balansanyahay 20- ka bishaan May ay habacsanaan ka muuqato in kasta uu r’iisal wasaare Rooble ku celiyay inuu shirku wakhtigiisa ku dhacayo.

Ridwaan Xersi Maxamed oo ka mid ah Mucaaradka ayaa BBC-da u sheegay in sababta ay xiligaan cabsida u muujinayaan ay tahay in gaabis uu ka muuqdo howlihii la rabay in la qabto shirka ka hor. Waxay sheegeen in ra’iisal wasaare Rooble halkii laga rabay inuu dhiso kalsoonida iyo dhaqaajinta howlihii shirka uu safarro ku aaday dalalka Sacuudiga iyo Jabuuti.

“Waxaa noo muuqato in shirkii oo habsami u socodkii laga rabay iyo diyaar garowgiisii ay xagal daac ka muuqato” ayuu Ridwaan Xersi Maxamed.

Sidoo kale Midowga Murashaxiinta mucaaradka ah ayaa sheegaya in qaar ka mid ah heshiisyadii ay la galeen r’iisal wasaaraha aaney ilaa iyo hadda fulin taas oo sida ay sheegeen ka mid waxyaabaha hadda keenay walwalka ay qabaan.

In dowladda Soomaaliya ay diido ergayga uu Midowga Afrika u soo magacaabay arrimaha Soomaaliya ayay sheegeen in arrintaas ay tahay carqaladeyn lagu sameeynayo doorashada iyo habsami u socodkeeda.

“Ergaygii gaarka ahaa ee aan anigu rabay ayaan haddana diidayaa waxaa la rabaa uun in doorashada la carqaladeeyo oo habsami u socodka laga hortago ayaa la rabaa annagu taan diidanahay waa taas,waxaan rabnaa doorasho xor ah oo xalaal ah oo caddaalad ah oo Soomaali u dhantahay oo beesha caalamku iyo Midowga Afrika ay ka qayb galaan “ayuu yri Ridwaan Xirsi.

Shirka loo balansanyahay
Shirka oo uu horey u shaaciyay r’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in la qabto 20 -ka bishaan,waxaana xooga lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka iyo xalinta tabashooyinka dhinacyadu ay qabaan .

Raysal wasarae Rooble
In kasta oo mucaaradku walaac ka muujiyeen shirka iyo diyaar garowgiisa haddana r’iisal wasaaraha Soomaaliya oo xalay Muqdisho ku laabtay ayaa bartiisa Facebook ku soo daabacay qoraal kooban oo qayb ka mid ah uu ku sheegayo inuu dalku doorasho aadayo isla markaana uu shirku wakhtigiisa ku dhacayo.

“Soomaaliya waxay galeysaa doorasho,waxaana socda diyaargarowga shirkii aan iclaamiyay 20-ka May oo ku qabsoomaya muddadii aan u qabannay Inshaa allaah”.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa khudbad uu jeediyay kadib markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku wareejiyay arrimaha doorashada iyo amnigeeda, waxaa uu ku sheegay in xukuumadiisu ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula imaan doonto qorshooyin la xiriira doorashada iyo amnigeeda. Wuxuu tilmamay in ay ka go’antahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

“Waxaan rabaa in halkan uga caddeeyo shacabka Soomaaliyeed dowlad goballeedyada,siyaasiinta iyo dhamaan daneeyayaasha siyaasadda ee dalka in ay naga go’antahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo daahfuran iyada oo aan cidna xaqeeda la duudsiin”. Shirka lagu wado inuu dhaco 20-ka bishaan oo saddex cisho naga xigto ayaa isha lagu hayaa waxyaabaha ka soo bixi doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here