Waalidiin Ay Carruurtooda Uga Maqan Yihiin Eritrea Oo Banaanbax Ka Dhigay Muqdisho

0
285

Waalidiin Ay Carruurtooda Uga Maqan Yihiin Eritrea Oo Banaanbax Ka Dhigay Muqdisho

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Taalada Daljirka daahsoon ee Degmada Boondheere ayaa waxaa daqiiqado kahor banaanbax ka dhigay Waalidiin badan oo wiilal dhaleen uga maqan yihiin dalka Eretariya.

Waalidiinta oo isugu jiray Hooyooyin iyo Aabayaal ayaa waxaa ay sheegeen in wiilashadii ay dhaleen ay in muddo ah tababar ugu maqan yihiin Eretariya, kuwaasi oo dowladda Federaalka Soomaaliya qaaday, si loo askareeyo.

Banaanbaxayaasha Waalidiinta ahaa ayaa waxaa ay sheegeen qaarkood in xitaa Carruurtooda aysan in muddo maqal hadalkooda, isla markaana ay la’yihiin, iyagoona ugu baaqay Madaxda dowladda inay dib u celiyaan wiilashooda loo qaaday tababarka.

Sidoo kale Waalidiinta ayaa sigaar ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga dalbaday inuu hor yimaado, uuna ka qanciyo cabashada ay qabaan ee la xiriirta Carruurta ka maqan.

Si kastaba Muqdisho ayaa waxaa horey uga baxay banaanbax ay waalidiintan ku dalbanayaan in Carruurtooda dib loogu celiyo oo haatan ku maqan tababar ay dowladda Federaalka ugu qaaday dalka Eretariya, waxaana qaar kamid ah waalidiinta ay horey u sheegeen in Carruurtooda ay ku geeriyoodeen dagaalo ka dhacay Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here