Madaxweynaha Somaliland Oo Dib Ugu Laabtay Magaalada Hargeysa

0
340

Madaxweynaha Somaliland Oo Dib Ugu Laabtay Magaalada Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Jabuuti, ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulkaas.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa oo marti-qaad rasmi ah ugu maqnaa dalka Jabuuti ayaa kamid ahaa wufuud caalami, kuwaas oo ka qaybgalay caleemo-saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Muuse Biixi ay Garoonka diyaaradaha Jabuuti uu kasoo sagootiyey wasiirka xannaanada xoolaha, kalluumaysiga iyo biyaha Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed.

Maalintii shalay aheyd ayaa waxaa Jabuuti lagu qabtay Munaasabad lagu Caleemo-saarayay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana Munaasabadda ka qeyb galay Madax farabadan oo ka socotay dalalka Afrika iyo dalal kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here