Dowladda Somalia Oo Beenisay Warar Laga Faafiyay Kiiska Dacwaddii Badda

0
245

Dowladda Somalia Oo Beenisay Warar Laga Faafiyay Kiiska Dacwaddii Badda

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya ay kiiska badan xal uga gaari doonaan meel ka baxsan Maxkamadda ICJ, hayeeshee Dowladda ayaa ka hadshay wararkaas.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku beeniyay wararka la faafiyay, wuxuuna sheegay in Dowlada Soomaaliya aysan ka laaban dacwadii badda eea ICJ.

Waxaa uu sheegay Mahdi Guuleed in Maxkamadda Cadaalada Adduunka ee ICJ ay dhameystiri doonto kiiska Dacwada badda ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana dowladda Go’aan cadaaladeed ka sugeyso Maxkamadda.

“Muranka Badda waxaa dhameystiri doona ICJ kadib markii dhageysigii hadalka ahaa lasoo geba gebeeyeey March 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa go’aan caddaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dalna waa arrin gaar ah,” ayuu yiri Mahdi oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa khamiistii lasoo dhaafay ku dhawaaqday inay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay dowladda Kenya, kadib markii labada dal heshiis gaareen, kaasi oo ay ka shaqeysay dowlada Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here