SOOL: 4 Carruur Ah Oo Laba Walaalo Ahaayeen Oo Ku Dhintay Balli-biyood Ku Yaalla Deegaanka Gol-jano

0
259

SOOL: 4 Carruur Ah Oo Laba Walaalo Ahaayeen Oo Ku Dhintay Balli-biyood Ku Yaalla Deegaanka Gol-jano

Alle ha u naxariistee, Afar Carruur ah oo la sheegay inay laba walaalo ahaayeen, ayaa ku dhintay Balli-biyood ku yaalla Deegaanka Goljano oo ka tirsan gobolka Sool.

Carruurta oo dhammaantood Wiilal ahaa isla-markaana Da’dooda lagu sheegay inta u dhaxaysa 10 illaa 13 jir, ayaa Shalay u dabbaal-tagay Balli-biyood ku yaalla duleedka Deegaanka Gol-jano ee Gobolka Sool, halkaasi oo markii dambe ay dhammaantood ku dhinteen.

Badhasaabka Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa u xaqiijiyey warbaahinta Geeridan naxdinta leh, ayaa Waalidkood ka Tacsiyadeeyay, Ilaahayna uga baryey inuu Cawed khayr qaba ugu beddelo Ubadkoodaa Geeriyooday.
Badhasaabka wuxuu sheegay “Geeridaasi way jirtaa, Runtii waa Geeri Xanuun badan, Carruurtu isku qoys bay ahaayeen, Da’doodu waa dhowr iyo Toban jiro..” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sool.

Maalmihii u dambeeyay oo Roobka Gu’gu ka curteen Deegaannada Somaliland, waxa soo kordhayey Dadka ku dhimanaya Balliyada Biyaha, waxaana hore sidan oo kale Balliyo ay ku dabbaalanayeen ugu Geeriyooday laba Wiil, shilalkaasi ayaa ka dhacay Duleedka Galbeed ee Hargeysa iyo Geed-ballaadh oo hoos taga Gabliley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here