Mareykanka Oo Taageeray Go’aankii Golaha Nabadda Iyo Amniga Midowga Afrika

0
266

Mareykanka Oo Taageeray Go’aankii Golaha Nabadda Iyo Amniga Midowga Afrika

Mareykanka ayaa taageeray go’aankii kasoo baxay Golaha Nabadda iyo amniga Midowga Afrika kaaasi oo gabi ahaanba lagu qaaddacay muddo kordhinta Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u sameeyen Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska arrimaha afrika ee Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa taageeray go’aanka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika, waxaana uu sheegay in ay soodhaweynayaan tallaabada ay qadeen Goluhu.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska arrimaha afrika ee Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa waxaa loogu baaqay hoggaamiyayaasha Soomaalida in ay arrimahooda si nabdooon u xaliyaan ayna ka fogaadaan wax walba oo qalalaase keeni kara.

Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa shalay waxaa ay shir deg deg ah la yeesheen arrimaha Soomaaliya, waxaana ay cambaareeyay muddo kordhintii Golaha Shacabka u sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here