Mareykanka Oo Xayiraad Saaray Mas’uuliyiin U Dhashay Dal Ku Yaalla Afrik

0
264

Mareykanka Oo Xayiraad Saaray Mas’uuliyiin U Dhashay Dal Ku Yaalla Afrik

Mareykanka ayaa xayiraad dhanka visaha ah ku soo rogay saraakiil u dhashay dalka Uganda oo uu ku eedeeyay inay wiiqeen dimuqraadiyadda waddankaas.

Go’aanka oo uu shaaciyay Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa daba socda xarig loo geystay boqolaal ka tirsan taageerayaasha mucaaradka Uganda.

“Waxaa jira cawaaqib ka dhasha faragelin kasta oo lagu sameeyo hannaanka dimuqraadiyadda,” ayuu ku qoray bartiisa Twitter. Lama shaacin magacyada mas’uuliyiinta uu Maraykanka ku beegsaday xayiraadd

Mucaaradka ayaa sheegay in dad ka badan 400 oo qof weli la la’ yahay kuwaas oo ay qabteen laamaha ammaanka ka hor doorashadii dhacday January.

Horraantii todobaadkan, khubarada xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dowladda Uganda inay joojiso cadaadiska ka dhanka ah mucaaradkeeda.

Xukuumadda Uganda ayaa Khamiistii qirtay inay xirtay dad ka badan kun qof oo ay u haysato falal la xiriira doorashadii dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here