Taliska Booliska Minneapolis oo War Kasoo Saaray Sheekada Askarigii Ceejinta ku Dilay George Floyd

0
442

Taliska Booliska Minneapolis oo War Kasoo Saaray Sheekada Askarigii Ceejinta ku Dilay George Floyd

Taliyaha booliska ee magaalada Minneapolis ee waddanka Mareykanka ayaa waxa uu markhaati kacay in askarigii hore Derek Chauvin uu ku xadgudbay xeerka waaxdaas uga degsan isticmaalka awoodda markii uu soo xirayay George Floyd.

Taliye Medaria Arradondo ayaa sheegay in qaabka uu Mr Chauvid uu u cadaadinayay aanay meelna uga jirin tababarkii iyo “in dhab ahaantii aanay qeyb ka ahayn anshaxa iyo qiyamkeenna”.

Taliyaha ayaa shaqada ka joojiyay Mr Chauvin iyo saddexda askari ee kale ee arrinta ku lugta lahaa maalma uun kaddib markii uu geeriyooday Mr Flyod bishii May ee sanadkii hore.

Mr Chauvin ayaa waxaa loo maxkamadaynayaa dilka ninkaasi hasayeeshee waxa uu iska fogeeyay eedaha loo soo jeediyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here