Masuul Ka Tirsan Dowlada Somaliya Oo U Geeriyooday Cudurka Coronavirus

0
321

Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku geeriyooday Agaasimihii Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada dowladda Federaalka ee u joogay degmadaas Cabduqaadir Saciid Yuusuf (Quuriye).

Warar la helayo ayaa sheegaya in Agaasime Cabduqaadir Saciid uu maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanayay oo uu ku dhacay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad kusoo laba kacleeyay gudaha Soomaaliya.
Geerida ku timid Agaasimihii Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada dowladda ee degmada Hobyo ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka Galmudug.

Deegaano ka tirsan maamulka Gobolka Mudug ayaa waxaa la sheegay inuu Cudurka siweyn ugu faafayo, isla markaana ay jiraan dadka halkaas Cudurka ugu geeriyooday, halka dad kalena uu haayo.

Cudurka halista ah ee COVID-19 ayaa siweyn ugu soo laba kacleeyay Soomaaliya, waxaana Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ay diiwaan-gelisay boqolaal kiis iyo dad farabadan oo u dhintay Cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here