Dowladda Somalia Oo Shaacisay Inay Baareyso Weerarkii Lagu Qaaday Xalane

0
314

Dowladda Somalia Oo Shaacisay Inay Baareyso Weerarkii Lagu Qaaday Xalane

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adeg u Cambaareysay weerarkii Al-shabaab duhurnimadii shalay ku qaadeen Xerada Xalane ee ku dhex taalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalaada Muqdisho, weerarkaas oo khasaaro geystay.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid lagu doonayay in lagu wiiqo taageerada muuqata ee bulshada caalamka iyo dadaalkooda ku aaddan dhismaha nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay inay kor u qaaday feejignaanta amni, iyadoo baaritaan dhammeystiran ku sameynaysa weerarkan hoobiyayaasha ah ee lagu qaaday Xerada Xalane iyo duruufaha amni ee ku xeeran weerarkan.

“Qorsheyaasha mideysan ee geesinimada leh ee shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku wajahayaan argagixisada laguma weecin doono ficilladan fuleynimada ah ee ay soo maleegeen argagixisadu, sidoo kale kama niyad jabinayaan walaalaha iyo saaxiibada Soomaaliya inay sii wadaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin dalkeenna” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Dowladda.

Ugu dambeyn Qoraalka ayaa waxaa bulshada iyo Beesha Caalamka loogu caddeeyay in dowladda Fedeeraalka ay sii wadi doonto la shaqeynta daneeyayaasha ammaanka si loo xaqiijiyo badqabka samafaleyaasha caalamiga ah.

Laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku dhaawacmay weerarka Al-shabaab, isla markaana waxaa ku burburay xafiisyo, waxaana madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen gaadiid, sida lagu arkay Sawiradda la faafiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here