Siciid Deni Iyo Axmed Madoobe Oo Maanta Ku Soo Waajahan Magaalada Muqdisho

0
371

Siciid Deni Iyo Axmed Madoobe Oo Maanta Ku Soo Waajahan Magaalada Muqdisho

Shirka u dhaxeeya Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa uu ka dhaco Muqdisho maalmaha soo socda.

Shirkaan ayaa waxaa hoggaaminaya Safaaradda Mareykanka iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ka dib markii uu ku fashilmay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday in codsigiisa la aqbalo.

Shirkan ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo aheyd halkii ay doorashada 8 February ka dhacday, waxaana in shirku ka dhaco meel ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, amnigeedana ay sugaan AMISOM wuxuu ka mid ahaa shuruudihii Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qeyb galkooda shirka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa Muqdisho imaanaya labada maalin ugu soo horeysa maanta llaa berri .

Amniga dadka qeybgalaya Shirka ayaa waxaa sugi doona Ciidanka AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here