Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Dalka Turkiga Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay Shilkaasi

0
289

Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Dalka Turkiga Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay Shilkaasi

Diyaarad Helikopter oo ay Milliteriga dalkaasi lahaayeen ayaa ku burburtay meel ku dhow Tuulladda Cekmece oo u dhow Degmadda Tatvan ee Gobalka Bitlis ee K/bari ee dalkaasi.

Diyaarada burburtay oo nooceedu ahaa The Cougar waxaa la sheegay inay 11 Askari ku geeriyoodeen, halka 2 kalena ku dhaawacmeen, sida lag sheegay Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Turkiga.

9 ka mid ah Dhibanayaasha waxay ku geeriyoodeen isla goobta ay Diyaaradda ku burburtay, halka ay 2 kalena dhaawacooda ugu geeriyoodeen Isbitaalka.

Saraakiisha ku geeriyootay shilkaasi waxaa ka mid ah Sareeye Guuto Osman Erbas oo ah Taiye Ciiddan.

Diyaaradda burburtay waxay ku sii jeeday Degmadda Tatvan oo u dhow Gobalka Bingol, markii ay Maamulayaasha waayeen xiriirkii ay Diyaaradda la lahaayeen.

Dhinaca kale, Warbaahinta Turkiga waxay sheegtay in Wasiirka Difaaca, Hulusi Akbar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Suleyman Soylu iyo Saraakiil sarsare oo Milliteri u socdaaleen goobta ay Diyaaradda Helikopterka ku burburtay.

Madaxweyne Rajeb Dayib Erdogan waxa uu Ilaahay uga baryey inuu u naxariisto Askartii ku shahiiday shilkaasi, wuxuuna u tacsideeyey Qoysaskooda, Qaranka Turkiga iyo Ciiddanka Turkiga.

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga NATO, Jens Stolenberg waxa uu khadka Telefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu, isagoo uga tacsideeyey shilkaasi, wuxuuna u muujiyey inay Isbahaysiga garab taagan yihiin Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here