Hay’adda Xuquuqda Aadanaha oo Sheegtay in Ciidamada Eritrea ay Xasuuq Gaysteen

0
372

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha oo Sheegtay in Ciidamada Eritrea ay Xasuuq Gaysteen

Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch ayaa sheegtay inay heshay caddeymo muujinaya in ciidamada Eritea ay “dembiyo dagaal” ka gesteen gobolka Tigray ee Itoobiya.

Waa hay’addii labaad ee caalami ah ee todobaad gudihii ku eedeysa ciidamada Eritea inay beegsadeen dad rayid ah mudada uu socday dagaalka Tigray, inkastoo ay eedeyntaas beenisay xukuumadda Asmara.

Hay’adda kale ee Amnesty International ayaa horraantii todobaadkan shaacisay in ciidamada Eritrea ay dhac iyo dilal sharciga ka baxsan ka fuliyeen gobolka Tigray.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in askarta Eritrea ay xasuuq ka geysteen magaalada qadiimiga ah ee Axum, halkaas ay ku laayeen shacab ay kamid yihiin carruur da’doodu ka yartahay 13 jir.
“19-kii November, ciidamada Itoobiya iyo Eritrea ayaa si aan kala sooc lahayn u duqeeyay magaalada Axum, waxaana halkaa ku dhintay kuna dhaawacmay dad rayid ah,” ayaa lagu sheegay warbixinta Human Rights Watch.

Hay’adda ayaa intaa ku dartay in ciidamada Eritrea oo ka falcelinaya weerar 28-kii November uga yimid jabhad Tigray ah iyo dadka deegaanka Axum, ay xasuuqa ka geysteen magaalada iyagoo dadka laynayay muddo 24 saac ah.

“Ciidamada Eritrea waxa ay dilal fool-xun ka geysteen Axum, iyagoo aan u aaba-yeelin dadka rayidka ah. Waxaa la joogaa xilligii ay mas’uuliyiinta Itoobiya iyo Eritrea ka gudbi lahaayeen beeninta oo ay cadaallad u heli lahaayeen dadka dhibaatada loo geystay,” ayay sheegtay Laetitia Bader oo ah agaasimaha Human Rights Watch ee Geeska Afrika.

Eritrea ayaa marar badan beenisay in ciidamadeeda ay qeyb ka yihiin colaadda Tigray, taasoo horraantii bishii November billaabatay kadib markii uu ra’iisal wasaare Abiy Axmed duulaan cir iyo dhul ah ku qaaday gobolkaas.

Xukuumadda Ethiopia ayaa garawsatay rabshadaha ka dhacay Axum, waxaana ay ballanqaaday inay u oggolaaneyso baarayaal caalami ah inay gaaraan gobolka.

Guddiga xuquuqda aadanaha Itoobiya ayaa billaabay baaritaano ku aaddan wararka sheegaya in dad rayid ah lagu laayay colaadda ka taagan Tigray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here