Maxkamadda ICC oo baadhaysa Dambiyo Dagaal oo Ka Dhacay Dhulka Falastiiniyiinta

0
370

Maxkamadda ICC oo baadhaysa Dambiyo Dagaal oo Ka Dhacay Dhulka Falastiiniyiinta

Dacwad oogaha guud ee Maxakamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC ayaa sheegtay in ay bilaabayso baadhitaanka dembiyo dagaal oo la sheegay in ay ka dhaceen dhulka Falastiiniyiinta.

Fatou Bensouda ayaa sheegtay in baadhitaankaasi khuseeyo falal ka dhacay Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus oo labadaba ay Israel haysato iyo sidoo kale Qasa laga soo bilaabo 13 Juun 2015.

Bishii hore ayaa maxkamadda ICC ee xarunteedu tahay Hague, sheegtay in ay awoodaheeda ka garnaqa dembiyada dhacay ay ka mid yihiin wixii ka dhaca dhulka Falastiiniyiinta.

Israel ayaa se ku gacan saydhay go’aankaa Bensouda, waxa se soo dhaweeyey madaxda Falastiiniyiinta.

Maxakamadda ICC waxay awood u leedahay in ay dacwad ku soo oogto cidda ku eedaysan xasuuq iyo dembiyada laga galo bani’aadanimada ee ka dhaca dhulka dalalka xubnaha ka ah ee saxeexay heshiiskii Roma ee lagu dhisay maxkamadda.
Israel ma ay saxeexin heshiiska Roma, laakiin xog-hayaga guud ee Qaramada Midoobay ayaa aqbalay sannadkii 2015 in [maamulka] Falastiiniyiintu xubin ka noqdo Maxkamadda.

Warbixinta ay Arbacadii soo saartay, ayay Bensouda ku sheegay in xafiiskeeda dacwad oogaha guud ee maxkamadda waajib ka saaran yahay “in uu talaabo qaado hadii dal xubin ka ah heshiiskaasi ka codsado dacwad oogaha guud, waxaana jira arimo maangal ah oo kalifaya in la bilaabo baadhitaan.”
Bensouda waxa kale oo ay sheegtay in ay samaysay “baadhitaan adag oo hor dhac ah” kaas oo qaatay muddo shan sano ku dhawaad ah, waxaanay ku nuuxnuuxsatay in baadhitaanka la bilaabayaa noqon doono mid madax banaan oo aan eex lahayn cabsi iyo cid u xaglinna ka dheer.

“Shaqadayadu waa in aan waajibkayaga sharci u gudano si madax banaan anaga oo raacayna heshiiska Roma oo sahaqadayadana si hufan u qabanayna” waxaanay farta ku fiiqday in diidmada Israel ee ah in la baadho dhacdo ciidanka Israel ku dilay 10 qof oo u dhashay dalka Turkiga oo ololaynayey xuquuqda aadanaha oo saarnaa markabkii “Mv Marmara” ee ku socday Qasa sannadkii 2010.

Waxa kale oo ay ku nuuxnuuxsatay in “ay muhiim tahay in la garawsado in arinta salka u aha falal dembiyeedyada loo geystay dhibanayaasha Falastiiniyiinta iyo Israeli-yiinta ay tahay colaadda dabada dheeraatay iyo nabad gelyo darrada jirta ee sababay dhibaatada iyo quusta ay labada dhan ba qabaan.”
Ra’isal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in go’aanka bilowga baadhitaanku “yahay Yuhuud nacayb munaafaqnimo” waxaanu wacad ku maray inuu horjoogsan doono.

“Caawa dawladda Israel weerar baa lagu soo qaaday” ayuu yidhi
“Maxkmaddii loo dhisay in ay ka hortagto in falalkii Nazi-yiintu kula kaceen Yuhuuddu in aanay mar kale dib u dhicin ayaa ku soo jeedsatay dawladdii iyo Shacabka Yuhuudda” ayuu yidhi.

Wasiirka arimaha dibada Falastiiniyiinta, Riyaad Al-Maaliki, ayaa sheegay in “falal dembiyeedyada hogaamiyeyaasha Israel ee dhulka haysataa ka galeen shacabka Falastiin oo weliba ah falal abaabulan oo badan ay lagama maarkaan ka dhigayaan in baadhitaankan la bilaabo”.

Ururka Xamaas oo maamula Qasa ayaa isna soo dhaweeyey go’aankaa maxkamadda waxaanu ku tilmamaay “talaabo hore loogu qaaday dhabbaha lagu heli karo caddaalad”, waxaanu sidoo kale difaacay hawl galada ay fuliyaan oo uu ku tilmaamay “halgan sharci ah”.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch ee saldhigeedu yahay Maraykanka, ayaa sheegtay in go’aanka maxkamaddu “u soo dhawaynayo dhibanayaasha Israeli-yiinta iyo Falastiiniyiinta ee dembiyada xun laga galay dhabba ay ku heli karaan caddaaladd muddo dheer la sugayey”.

bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here