Ammaanka Xarunta Baarlamaanka Maraykanka oo la adkeeyay+SABABTA

0
376

Ammaanka Xarunta Baarlamaanka Maraykanka oo la adkeeyay+SABABTA

Wararka ka imanaya dalka Maraykanka ayaa sheegay in ammaanka xarunta baarlamaanka Maraykanka ee loo yaqaan US Capitol aad loo adkeeyay, kadib markii la helayay warar sheegaya in Khamiista maanta ah “xoog lagu soo geli karo” si ay sheegeen booliska.

Tallaabadan ayaa ka dhalatay kadib markii ay sirdoonka ka war heleen hanjabaad ka timid urur hubaysan, sida lagu sheegay war ka soo baxay booliska.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay isu diyaarinayaan khatar kasta oo ka dhan ah xubnaha Congress-ka.

Golaha wakiiladda ee Maraykanka ayaa baajiyay kulan uu maanta lahaa, kadib markii lagu wargeliyay khatarta jirta.

Hase yeeshee waxaa maanta kulankiisa qabsanaya Aqalka Senate-ka si uu uga doodo hindise sharciyeed uu Madaxweyne Biden lacag dhan 1.9 trillion dollar wax uga qabanayo cudurka Covid-19.

Booliska ilaaliya xarunta US Capitol ayaa sheegay inay qeybaha kale ee laamaha ammaanka kala shaqeynayaan si looga hortago khatar kasta oo ku timaada xaruntaas.

“Si dhab ah ayaan u qaadanayay xogta ku aaddan khatartaas,” ayaa lagu sheegay warka booliska.

“Faahfaahin dheeraad ah kama bixin karno xogta aan helnay, maadaama ay tahay mid aad xasaasi u ah,” ayuu sheegay booliska.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa laba bilood kadib markii dad taageersan madaxweynihii hore, Donald Trump, ay xoog ku galeen gudaha dhismaha.

Xilligaas, xubnaha la doortay ee labada gole ayaa ku guda jirin ansixinta natiijada doorashadii uu ku guulaystay Madaxweyne Joe Biden.

Rabshadahaas oo gilgilay dimuqraadiyada Maraykanka ayaa waxaa ku dhintay shan qof oo uu kamid yahay askari boolis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here