Shil Khasaare Dhimasho Sababay oo Xalay habeen Badhkii ka Dhacay Duleedka Hargaysa+KHASAARAHA

0
265

Shil Khasaare Dhimasho Sababay oo Xalay habeen Badhkii ka Dhacay Duleedka Hargaysa+KHASAARAHA

Fah faahin ayaa kasoo baxaysa shil xalay habeen badhkii ka dhacay duleedka Galbeed ee magaaladda Hargaysa,wararka ayaa sheegaya in shilkaasi uu dhacay 1:00am ayna ku geeriyoday hal qof.

Shilkaas ayaa waxaa uu ka dhashay, kadib markii ay isku dhaceen gaar Booyad ah oo siday biyo iyo mid kale oo ahaa nooca xamuulka qaado ah, xili ay ku socdeen xawaare sare oo ay iska hor yimideen duleedka Hargeysa.
Hal qof ayaa ku geeriyooday mid kalena dhaawac fudud ayaa kasoo gaaray shilkaas  , waxaana halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa dabka dembiska ee Somaliland, iyagoona qaaday Meydka.

Deeganada kala duwan ee Somaliland ayaa waxa mararka qaar ka dhaca shilal sababa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here