Suuqa Kala IIbsiga geela Oo Laga Hirgeliyay Dalka Australia

0
450

Suuqa Kala IIbsiga geela Oo Laga Hirgeliyay Dalka Australia

Dalka Australia oo ay ku nool yihiin geel aad u badan balse aan la dhaqanin oo hawdka daaqa, ayaa waxaa markii ugu horreysay laga bilaabay suuq internet-ka ah oo lagu iibiyo geela duurjoogta ah ee dalkaas.

Suuq oo ah mid dhanka internet-ka balse aan ahayn seyladii xoolaha ee ay Soomaalidu taqaanay ayaa ah meel lagu xaraashi doona geela dalka Australia.

Suuqa AuctionsPlus ee dalka Australia ayaa la soo dhigay sawirrada 120 neef oo geel ah, kuwaas oo noqonaya geelii ugu horreeyay ee lagu iibiyo bartan, waxaana halkii neef lagu iibinayaa 250 doollar.

Suuqan ayaa waxa uu soo jiitay dad kala jooga gobollada fog-fog ee dalka Australia, gaar ahaan galbeedka Queensland, kuwaas oo aad u daneynaya inay iibsadaan geela.

Inkastoo uu jiro dalab, haddana wakiilka suuqa Scott Taylor waxaa uu sheegay in inta badaan geela la iibsado ay wali sii joogi doonaan deeganaada miyiga ee ay iminka joogaan.

“Waa in lagu qaadaa baabuurta xamuulka ee korka ka furan, taasina waa qaali oo maxaa yeelay geela lagu ma safrin karo baabuurta xamuulka ah ee lagu qaado lo’da,” ayuu yidhi Scott oo la hadlayay warbaahinta ABC ee dalka Australia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here