Dad Hor Leh Oo Cudurka COVID-19 Ugu Geeriyooday Gudaha Soomaaliya

0
283

Dad Hor Leh Oo Cudurka COVID-19 Ugu Geeriyooday Gudaha Soomaaliya

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay dad hor leh oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusoo laba kacleeyay guud ahaan dalka Soomaaliya.

Warbixin ay soo saaray Wasaaradda Caafimaad Xukuumadda ayaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 1,202 qof, isla markaana laga helay 91 kamid ah dadkaas, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Dadka laga helay Cudurka ayaa 85 kamid ah waxaa ay ku sugan yihiin Gobolka Banaadir iyo deegaanada dowlad Goboleedka Puntland oo laga diiwaan-geliyay 6 Ruux, waxaana dadkaas 56 kamid ah ay yihiin Rag, halka 35 qofna waa Durmar.

Sioo kale Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda ayaa tilmaamtay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka ay ka bogsadeen 4 qof, halka 4 kalena u dhinteen, waxaana tirada dhimasha guud ahaan dalka gaartay 152.

Tirada guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa haatan gaartay 5,183 qof, halka 3,739 ay ka bogsadeen, Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in dadka looga baahan yahay inay taxadar muujiyaan, si looga fogaado faafida Cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here