Maxkamadda ICJ oo ku gacan saydhay codsigii Kenya ee dibu-dhigista dacwadda badda+Jadwalka Dacwada Maxkamadu soo saartay

0
261

Maxkamadda ICJ oo ku gacan saydhay codsigii Kenya ee dibu-dhigista dacwadda badda+Jadwalka Dacwada Maxkamadu soo saartay

ran News

Maxkamadda ICJ oo ku gacan saydhay codsigii Kenya ee dibu-dhigista dacwadda badda+Jadwalka Dacwada Maxkamadu soo saartay
Writen by Qaran News | 3:41 am 14th Feb, 2021

Maxkamadda ICJ oo ku gacan saydhay codsigii Kenya ee dibu-dhigista dacwadda badda

.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ayaa gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhiga dhageysiga dacwadda kala dhexeysa Soomaaliya.

Sida ku cad qoraal ay maxkamdda u dirtay dowlada Soomaaliya, dhageysiga dacwadda ayaa la billaabi doonaa 15-ka bisha March sida markii horeba qorshuhu ahaa.

“Ka dib markii ay maxkamaddu tixgelisay doodaha labada dhinac ay soo gudbiyeen ayaa waxay go’aansatay in jadwalka dhageysiga u sidiisii ahaado, wuxuuna billaabanayaa 15-ka march 2021”, ayaa lagu yiri qoraal ay maxkamaddu u dirtay dowladda Soomaaliya oo dacwaddan maxkmadda gaysay 7 sano ka hor.

Maxay tahay sababta ay Kenya u dalabatay dib u dhigga
Kenya ayaa maxkamadda ICJ ka dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga furan ee kiiska la xiriira muranka xadka badweynta Hindiya ee ay isku heystaan Soomaaliya, taasoo qorshuhu uu ahaa in la billaabo bisha soo socota.

Ujeedda arrintan ay u codsadeen ayay ku sheegay sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska ee ay wadday Kenya.Kenya ayaa garsoorka maxkamadda ku wargelisay in aysan dhageysiga dacwadda uga qeyb gali karin si rasmi ah, iyadoo ay jirto “khatar dhinaca amniga ah oo waddanka ku imaan karta” oo ku xiran natiijada kasoo baxda dacwadda la gudbiyay sanadkii 2014-kii.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka ka soo baxay maxkmadda. Ra”isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleeed ayaa sheegay in Soomalaiya ay diyaar u tahay ka qeybgalka dhageysiga oo qaab fogaan-arag ah lagu qaban doono. Maxkamaddu waxa ay shegetay in sidoo kale tiro xaddidan lo oggoalan doono inay hoolka maxkamadda joogana inta u socdo dhageysiga.

Dowladda Kenya wali kama aysan hadlin go’aanka maxkamadda.

Jadwalka dacwadda ee ay maxkamadda soo saartay
Wuxuu dhageysiga billaabanayaa 15-ka bisha March, 2021-ka, waxaana la wadi doonaa ilaa 4 maalmood.

Isniin, 15 March, (10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

Arbaco, 17 March, ((10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

Khamiis, 18 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad.

Jimce, 19 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here