Madaxweynaha Kenya oo ugu baaqay ku xigeenkiisa inuu taageero dowlada ama uu is casilo

0
385

Madaxweynaha Kenya oo ugu baaqay ku xigeenkiisa inuu taageero dowlada ama uu is casilo

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa jimcihii ku dhiiraday in madaxweyne ku xigeenka William Ruto inuu is casilo, isagoo sheegay in qofna uusan “caayi karin dadka” isagoo waliba qadarinaya guusha dowladda.

Madaxweyne Kenyatta ayaa dhaleeceeyay ku xigeenkiisa Ruto xilli uu khudbad ka jeedinayay Uthiru ee ismaamulka Kiambu.

“Waxaad u dhaleeceyneysaa dowladda si xun,adigoo weli ka sii tirsan, Haddii aad rabto wanaagga ama guusha dowladdan, la joog. Haddii kale, isaga tag, “ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa ku xigeenkiisa u sheegay inuu dhinac doorto maadama ay jirto hal dowlad oo kaliya oo ama guuldareysata ama guuleysata.

Hase yeeshee siyaasiyiinta taageera William Ruto ayaa u jawaabay madaxweynaha iyagoo sheegay inaysan habbooneyn goobaha fagaaraha wax la isaga sheego balse ay ku habboon tahay Madaxweynuhu inuu isu diyariyo xilliga uu howlgabka ka noqonayo oo aan dheereyn.

Arbacadii aynu ka soo gudubnay ayuu Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta waxaa uu sidoo kale meel fagaare ah ka sheegay in uusan dalka ku wareejin doono qof ay dadka reer Kenya ay aamini karaan oo mideynaya,waxana uu xusay inuusan dalka ku wareejin doonin qof tuug ah.

Xiriirka Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa ayaa meel xun gaaray iyadoo labada siyaasi ee saaxibka hore u ahaa ay yihiin hadda kuwo aan is arki karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here