Tallaalka Moderna Oo La Sheegay Inuu Wax Ka Tarayo Noocyada Cusub Ee Coronavirus

0
341

Tallaalka Moderna Oo La Sheegay Inuu Wax Ka Tarayo Noocyada Cusub Ee Coronavirus

Tallaalka Moderna ee Covid ayaa u muuqda inuu wax ka tarayo noocyada cusub ee aadka u faafa ee coronavirus, kuwaaso oo laga helay dalalka UK iyo Koofur Afrika, sida ay sheegeen saynisyahannada shirkad dawooyinka soo saarta oo Mareykanka laga leeyahay.

Tijaabooyin sheybaar oo goor hore la sameeyay ayaa muujinaya in difaacayaasha jirka ay aqoonsan karaan lana dagaallami karaan noocyada cusub.

Daraasado badan ayaa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in tallaalku uu sidoo kale noocyada cusub ka difaaci karo dadka aan weli la tallaalin.

Noocyada cusub ayaa si xowli ah ugu faafayay dalal dhowr ah.

Fayrasyada cusub ayaa is beddelayay taas oo ka dhigan inay si fudud u weerari karaan unugyada bani’aamka, si ka ballaaran kii hore.

Khubarrada ayaa aaminsan in laga yaabo in nooca cusub ee bishii September ka dillaacay UK, 70% la isku gudbin karo.

Tallaallada cusub ayaa loo sameeyay inay jirka ka difaacaan noocyada cusub, balse saynisyahannada ayaa aaminsan inay weli ku howlan yihiin siyaabo looga hortago noocyada cusub. Waxaa jirta soo jeedin ah in tallaalka Pfizer uu ka hortagi karo nooca cusub ee UK.

Daraasadda lagu sameeyay Moderna, ayay baarayaashu eegeen tijaabo dhiigga ah oo laga qaaday ilaa siddeed qof kuwaas oo la siiyay labo xirmo oo tallaalka Moderna ah.

Natiijada ayaan weli soo bixin, balse waxay sheegeysaa in tallaalku uu aqoonsan karo noocyada cusub.

Waxaase soo baxday in tallaalku uusan aad wax uga tareynin nooca cusub ee Koofur Afrika, marka loo eego kan UK.

Prof Lawrence Young, oo khabiir dhanka fayraska ah kana tirsan Iskuulka Caafimaadka Warwick ee UK, ayaa sheegay inay arrintan walaac leedahay.

Hay’adaha ansixiya tallaalka ee UK ayaa hore u meel mariyay qeybinta tallaalka Moderna, balse 17m oo xirmooyin hore loo sii dalbay ayaa la sheegay inaan la heli doonin ilaa Guga.

Tallaalkan ayaa la mid ah kan Pfizer ee haatanba laga isticmaalo UK.

In ka badan 6.3 milyan oo qof oo UK ku nool ayaa helay xirmadii ugu horerysay ee tallaalka Pfizer ama tan AstraZeneca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here