Kooxda IS Oo Sheegatay Qaraxyadii Shalay Ka Dhacay Caasimada Dalka Ciraaq Ee Baqdaad

0
289

Kooxda IS Oo Sheegatay Qaraxyadii Shalay Ka Dhacay Caasimada Dalka Ciraaq Ee Baqdaad

Kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka (IS) ayaa sheegtay inay ka dambeysay qaraxyo ismiidaamin ahaa oo shalay ka dhacay caasimadda Ciraaq ee Baghdad, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 32 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof.

Bartilmaameedku wuxuu ahaa Shiicada Muslimiinta ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay wakaaladda wararka kooxdan Sunniga ah ee Amaq.

Waa qaraxyadii ismiidaaminta ee ugu cuslaa Baghdad muddo saddex sano ah.

Kuwa fuliyay ayaa isku dhex qarxiyay meel ay dhoobnaayeen dad ka dukaameysanayay suuqa Tayaran Square.
Qirashada kooxda jihaad doonka ah, ee bartooda Telegram-ka, ayaa timid saacado kaddib weerarka.
Qaraxyada ismiidaaminta ah kuma badneyn Baghdad tan iyo intii IS looga adkaaday gobolka sanadkii 2017.

IS ayaa mar gacanta ku heyn jirtay 88,000 isku wareeg km (34,000 isku wareeg meyl) oo dhul ah laga soo bilaabo bariga Ciraaq ilaa galbeedka Suuriya waxayna xukunkooda adag ku soo rogeen ilaa siddeed milyan oo qof.

Inkastoo IS looga adkaaday dagaalka, warbixin ay bishii August soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in in ka badan 10,000 oo dagaal yahanno IS ah ay ku sugan yihiin Ciraaq iyo Suuriya.

Waxay ka howlgalaan meelaha miyiga ah, iyadoo beegsanaya xoogagga ammaanka.

Weerarkii shalay subax, ayaa wuxuu qofkii is qarxiyay galay dukaan isagoo dad isku soo ururiyay una sheegay inuu xanuunsan yahay, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Goobjooge ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay: “Gacantiisa ayuu badhanka qaraxa ku taabtay. Isla markiiba way qaraxday dadkuna way kala googo’een.”

Qofkii labaad ayaa is qarxiyay markii ay dadku isugu yimaadeen inay caawiyaan kuwii ku waxyeeloobay qaraxii hore, sida ay wasaaraddu sheegtay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Tayaran Square uu mashquul ahaa maaddaama la khafiifiyay xayiraaddii ku dhwoaad sanad jirtay ee coronavirus.

Qaraxii ismiidaaminta ee ugu dambeeyay ee ka dhaca Baghdad wuxuu ka dhacay isla suuqaas bishii January sanadkii 2018, waxaana ku dhintay 35 qof.
Madaxweynaha Ciraaq Barham Saleh ayaa cambaareeyay weerarkaas, isagoo sheegay in dowladdu ay qaadi doonto tallaabooyin dalka looga difaacayo falalkaas.

Pope Francis, oo qorsheynaya in bisha March uu booqdo Ciraaq ayaa farriin uu madaxweyne Saleh u diray ku cambaareeyay falkaas.

Sidoo kale Mareykanka, Midowga Yurub iyo QM ayaa cambaareeyay weerarkaas.

Weerarkii sanadkii 2018 ayaa dhacay bilooyin kahor doorashooyinkii baarlamaaniga ahaa ee Ciraaq, sanadkaanna waxay Ciraaq qorsheyneysaa inay qabato doorasho guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here