Khasaaro Ka Dhashay Qarax Lala Eegtay Kolonyo Ay La Socdeen Ciidanka Kenya

0
345

Khasaaro Ka Dhashay Qarax Lala Eegtay Kolonyo Ay La Socdeen Ciidanka Kenya

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Kenya oo qarax xoogan saacadihii lasoo dhaafay lagu eegtay meel aan sidaas uga fogeyn xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa Kolonyada Ciidamada Kenya lala eegtay, xili ay socdaal ku marayeen wadada wadada Dhoobley, iyagoo kusii jeeda deegaano kale oo ka tirsan dalkaas.

Qoraal kasoo baxay Taliska Milateriga Kenya ayaa lagu xaqiijiyay weerarka ka dhacay meel ku dhow xuduudka labada dal, isla markaana uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidmada.

Inta la xaqiijiyay Afar Askari oo Kenyaan ah ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka tirro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana Qoraalka lagu sheegay in dhaawacyada loo daad-gureyn doono Magaalada Nairobi.

“Weli waan aruurineynaa macluumaadka, illaa iyo hadda, waxaan helnay warbixin xaqiijineysa dhimashada afar askari oo ka tirsan ciidanka difaaca Kenya ee lagu dilay weerarka. Dhaawacyadu waxay gaari karaan sideed askari ”ayaa lagu yiri Qoraalka.

Inta badan qaraxyada noocaan oo kale ee lala eegto Ciidamada dowladda Kenya ayaa waxaa Mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab oo horey qaraxyo geystay khasaarooyin kala duwan la eegtay Ciidankaas, xili ay socdaalo ku jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here