Xisbiga Madaxweyne Biden oo qarka u saaran inuu la wareego Maamulka Aqalka Senatka

0
406

Xisbiga Madaxweyne Biden oo qarka u saaran inuu la wareego Maamulka Aqalka Senatka

Xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka ayaa qarka u saaran in uu la wareego maamulka Senate iyadoo natiijada kuraastii ugu dambeysay goor dhow la filayo in si rasmi ah loogu dhowaaqo gobolka Georgia

Raphael Warnock oo ah xildhibaan laga soo doorto magaalada Atlanta ayaa la sheegay inuu ku guuleystey mid kamid ah labada kursi halka kursiga kalana uu ku horeeyo xildhibaanka xisbiga Dimuqraadiga.

Haddii labada kursi uu xisbiga Dimuqradiga ku guuleysto waxa ay u sahlanaan doontaa Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Mr Biden meel marinta sharciyada.

Balse xisbiga Jamhuuriga ayaa u baahan inuu sii haysto awooda senatka inuu ku guuleysto hal kursi oo kaliya. Doorashadan oo mid lagu celiyay sababtoo ah gobolka Georgia waxaa waajib ku ah in mudanaha uu boqolkiiba konton ku guuleysto.

Mr Warnock ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay oo madow ah oo abid laga soo doorto gobolka Georgia,oo ah gobol addoonsigii dadka caan ku ahaa,waana mudanihii 11aad ee Madow ah taariqda dalka Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here