Hoggaamiyeyaasha Dalalka Khaliijka Oo Maanta Shirweyne Yeelanaya

0
266

Hoggaamiyeyaasha Dalalka Khaliijka Oo Maanta Shirweyne Yeelanaya

Hoggaamiyeyaasha Wadamada Khaliijka ayaa Maanta oo tallaado waxaa lagu filayaa in Magaalada Riyadh ee Caasimadda dalka Sacuudi Carabiga uu uga furmo Shirweyne sanad leh ah oo looga hadli doono Arrimo kala duwan.

Shirkaan Madaxda Wadamada Khaliijka ayaa waxaa intiisa badan looga hadli doonaa heshiiskii ay wada gaareen dowladdaha Sacuudiga iyo Qatar oo in muddo ah uu khilaaf ak dhexeeyay, balse ay isku fureen xuduudka Dhulka, Badda iyo Cirka.

Wakaalada Wararka ee Sacudi Carabiya SPA ayaa ka soo xigatay Amiirka Dhaxalsugaha Maxamed Bin Salman ayaa sheegtay in shirka Madaxda Khaliijka ay ku Midoobi doonaan dalalkaas, si arrimaha ka jira Khaliijka meel qura loogaga wada jeesto.

Sidoo kale Wakaalada ayaa tilmaamtay in Shirka  lagu saxiixi doono heshiis lagu soo afjarayo khilaafkau dhexeeyay saddexdii sano ee la soo dhaafay dowladdaha Wadamada Khaliijka oo qaarkood khilaaf uu ka dhexeeyay.

Sacuudiga, Isutagga Imaaraatka Carabta, Baxrayn, iyo Masar ayaa xayiraad diblomaasiyadeed, mid ganacsi, iyo safarba ku soo rogay Qatar bartamihii sanadkii 2017-dii, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto argagixisada, balse Qatar way beenisay arrintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here