Dowladda Somalia Oo Maanta Heshiis Shidaal Qodos La Saxiixaneysa Shirkaddo

0
343

Dowladda Somalia Oo Maanta Heshiis Shidaal Qodos La Saxiixaneysa Shirkaddo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo tallaado ah waxaa la filayaa in heshiis la xiriirira qodosta shidaal la saxiixato Shirkaddo Ajnabi ah, xili shalay lagu waday in Munaasabadda lagu saxiixayo heshiiskaas ay dhacdo, balse dib u dhac ayaa ku yimid.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Munaasabad lagu saxiixayo Xirmooyinka ceelasha shidaal ee laga qodayo Xeebaha Magaalooyinka Baraawe iyo Hobyo ee Shabeellaha Hoose iyo Mudug ay ka dhacdo Xarunta Madaxtooyada ee Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka noqon doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxaana dowladda u saxiixaya heshiiskaas Wasiirka Wasaaradda Batroolka Cabdirashiid Maxamed.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu soo kordhay culeys dhanka habraacyada loo marayo saxiixa heshiiskaas iyo qaabka loo waafajanayo arrimaha deyn cafinta ee shuruuda Hey’adda IMF, waxaana arrintaas loo saaray Guddi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale  Beyle.

Shirkadaha loo saxiixayo heshiiska xirmooyinka (BLOCKS) shidaal qodista ayaa lagu kala magacaabaa Liberty Petroleum iyo Coastline Exploration oo horay loo oran jiray SOMA OIl & GAS.

Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Digniin kasoo saaray heshiis qarsoodi ah oo ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in Shirkaddo Ajanib ah kula gasho Xirmooyin Shidaal laga qodayo gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here